Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga oo booqasho rasmi ah ku jooga wadanka Turkiga ayaa booqday madxafka Atatürk’s Mausoleum, iyagoo koormeeray dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay madxafka.
Guddoomiyaha guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan ayaa Ubax dhigay qabriga hogaamiyihii waynaa ee Turkiga Mudane Mustafa Kamal Atatürk.
Dhinaca kale guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la kulmay wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee dowladda Turkiga Mr. Alparslan BAYRAKTAR, waxa ayna ka wada hadleen howsha sahminta Shidaalka iyo Gaaska ay ka wadaan Badda Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray.
Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa loo xil saaray in ay sii xoojiyaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Turkiga.
DHAMMAAD.
GUDDIGA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA U QAABILSAN SAAXIIBTINIMADA BAARLAMAANADDA SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO LAGU DHOWEEYAY MAGAALADDA DALKAASI
byYaasiin Qaxweyste
•
0