𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐡𝐝𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa. Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin: 1) Cabdikariim Axmed Xassan 2) Saadiq Abshir Garaad 3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan 4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo 5) Cumar Abuukar Cumar 6) Farxiyo Maxamed Yusuf 7) Dr. Cumar Jamac Maxamed 8) Faarax Cabdi Xasan 9) Sahro Diiriye Muuse 10) Cabdullahi Salaad Yaroow 11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi 12) Cabdi Cadow Maxamed 13) Cabdishakuur Abiib Haayir 14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil 15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed 16) Naasir Maxamed Shire 17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici 18) Maxamed Cumar Ismaciil

Post a Comment

Previous Post Next Post