𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝗶𝗴𝗴𝗮 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝗗𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝗗𝐡𝐚𝐚𝐰𝐚𝐜𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝗫𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝗗𝐞𝐠-𝐝𝐞𝗴𝐠𝐚 𝐚𝐡



Muqdisho, 29 Octoobar, 2024: — Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray  Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Madiina.


Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu hirgalisay xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta kaydka dhiigga oo markii ugu horreysay dib loo hawlgaliyey iyadoo lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, Xarunta gurmadka xaaladaha deg-degga ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka, wuxuuna adkeeyay inay ka go'an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka xoogga dalka.


Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed ugu gurmadeen musiibadii qaraxii Soobe 2, ayaa ka kooban qeybta bukaanka lagu daryeelo, qeybta dhalmada iyo qeybta xaaladaha deg-degga ah ee lagu daaweeyo dhaawacyada culus waxayna qeyb wayn ka noqon doonta gurmadka xaaladaha deg degga ah.


Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyey Guddiga gurmad Qaran sida ay u maareeyeen dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed isugu gurmadeen isagoo tilmaamay in xaruntan qeyb wayn ka qaadan doonto daawaynta iyo daryeelka ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta.


— DHAMMAAD —






Post a Comment

Previous Post Next Post