Wasirka ciyaaraha sports ayaa wasarada ku soo dhaweeye Masada hey,adda UNFPA



 Laila Baker oo ah madaxa hey'adda UNFPA ee dalalka Carabta: UNFPA Arab States Regional Office's (ASRO) Director oo ay wehliso Dr. Mary Otieno, madaxa UNFPA Somalia ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.

Wefdigaan ayaa waxaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay, Wasiirka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda.


Kulanka ayaa diirada lagu saaray heshiiska wadashaqeyn ee labada dhinac ka dhaxeeya, gaar ahaan fulinta Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed, dhismaha Golaha Dhallinyarada Qaranka iyo qabashada Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed. 


Dhinaca UNFPA, waxa ay ka warbixiyeen howlaha hey'adda, gaar ahaan barnaamijyada dhallinyarada ee ka socda dalka iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dhallinyarada sanadka 2025.


Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa u bidhaamiyay wafdiga UNFPA muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si sare loogu qaado barnaamijyada horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona ugu dambeyn wefdiga caalamiga ah ee ka socday hey'adda UNFPA kaga mahadceliyay booqashadooda si furan ugu soo dhaweeyay Soomaaliya gaar ahaan xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha wuxuuna ku booriyay inay kala qayb qaataan horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

#dhallinyaradduwaaawoodadalka





Post a Comment

Previous Post Next Post