TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO MUQDISHO KULA KULMAY TALIYAHA HOWLGALADA GAARKA AH EE MAREYKANKA.



 Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha howlgalada gaarka ah Mareykanka Colonel David Haskell.


Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin tababarka ciidanka boliiska Soomaaliyeed  , la dagaalanka kooxda  khawaarijta ah ee Al- Shabaab iyo arrimo dhawr ah.


Waxa uu balanqaaday Taliyaha howlgalada gaarka ah ee  Maraykanka in ay dhankiisa in door muhiim ah ay ka qaadan  doonaan taageerida ciidanka booliska & xasilinta amniga guud ahaan dalka.


Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed  Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ku amaanay Mareykanka doorkooda taageerada ay siinayaan  ciidanka boliiska Soomaaliyeed.


Taliyaha Booliska  Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa kulanka ka dib waxa uu ku soo wareejiyay  Mr Haskell qaybaha hogganada Taliska  booliska Soomaaliyeed iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo ay soo booqdaan xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka boliiska.


                          DHAMMAAD.






Post a Comment

Previous Post Next Post