Xasan wuxuu xilkii ka qaaday sarkaalkii ugu dagaalyahansanaa ugu qibradda badnaa ciidanka soomaaliyeed ee hadda shaqeeya.



Sareeye guuto, Dayax Cabdi Cabdulle.


Sarreeye guuto Dayax, wuxuu soo noqday dable, Taliye koox, mid horin, abaanduule Urur, taliye Urur, abaanduule guuto, taliye guuto, taliye qeybeed, iyo ugu danbeeyn taliyaha ciidanka lugta soomaaliyeed. tan ugu muhiimsan maahan qibraddiisa ciidan ee kali ah ee sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal sarkaal wacdaro ka dhiga furimaha dagaalka waxaana aad loogu xasuustaa dagaalladii uu libinta kasoo hooyay ee, Bariire, Tooratooroow, Janaale, Awdheegle, Masaajid Cali Gaduud, Ceeldheer, Masagawaay, Xarardheere, Shabeeloow, Aadan Yabaal iyo degmooyin kale.


Xasan wuxuu horay dagaalka oo meel fiican u maraya uu iska badalay Jeneral Odawaa iyo Jeneral Biixi isaga oo ku badalay nin ganacsade ah oo burka iyo sonkorta ka ganacsada - maalinkii uu saraakiishaas badalay ayaana u danbeeysay deegaan danbe oo la xoreeyo kuwa laga soo baxo mooyee.


Jeneral Dayax waxaa lagu badalay saaxiibkeey Khaalid oo aan cimrigiisa intii uu noolaa aan ciidanka xoogga dalka kasoo shaqeeyn. Mar ayuu nabad sugidda Kismaanyo madax u soo noqday amniga Kismaanyo ayuuna hagaajiyay.


Guusha Khaalid waxeey ku xirnaan doontaa muddada ay ku qaadan doonto inuu kala barto hoggaannada ciidanka, sharciga CXDS iyo xirfadda hadiiba ay jiraan saraakiil weli kusii hartay ciidanka.


Horta Xasan ayaa La-taliye u ah?

Post a Comment

Previous Post Next Post