Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar kala duwan. Waxaan qormadaan ku soo bandhigi doonnaa marxaladihii kala duwanaa ee waxabarashada dalku soo martay, iyadoo aan u kala qaadi doonno xilliyo kala duwan kuwaas oo kala ah:
1- Marxaladdii Isticmaarka ka hor.
2- Marxaladii Isticmaarka.
3- Xukuumadihii Rayidka.
4- Xukuumaddii Kacaanka.
5- Marxaladda Burburka.
1- WAXBARASHADA SOOMAALIYA ISTICMAARKA KA HOR.
Tacliinta Diiniga
Marxaladdaan waxbarashada dalka ka jirtay waxay ahayd tacliinta diinta. Marka ardaygu gaaro xilliga uu wax karo ayaa markiiba la geyn jirey dugsi quraan si uu yaraantiisa u xifdiyo Quraanka Kariimka, barashada Quraanka oo ah ilaa maanta ah mid ka jirta deegaannada dalka oo dhan, waa mid eebbe ku mannaystay bulshada soomaaliyeed ee muslimka ah, waana tilmaanta koowaad ee lagu garto dadka soomaaliyeed oo qaaybo caalamka islaamka ka mid ah looga yaqaanno “Dadkii Quraanka”.
Macallinka Quraanka bulshada dhexdeeda wuxuu ku leeyahay ixtiraam iyo qaddarin gaar ah iyadoo goobaha miyiga loo xoola gooyo noloshiisana meel la saaro. Dhulka beeraleyda ahna waxaa loo diyaariyaa ciidan beertiisa fala.waxaa jirta in marka hore oo macallinka ardayga loo dhiibayo waalidku uu u bandhigayo macallinka una muujinayo in ardaygaas uu la doonayo barashada Quraanka kuna oranayo: “Macallinow lafta aniga ayaa leh hilibkana adigaa leh” oo macnaheedu yahay in macallinku canaanta waxbaridda aysan ka reebbanayn waana sida uu sharcigu qabo.
Barashada Quraanka Kariimka waxaa laga dhaxlay xikmado fara badan oo ay ka mid tahay mid tilmaamaysa dhawr waxyaabood oo uu ku najixi karo ardaygu kuna baran karoquraanka si sahlan, waxayna xikmaddu leedahay (Quraan waxaa lagu bartaa haddii la helo Macallin qaari ah, Arday qaylo dheer iyo waalid wax quura). Tani macnaheedu waxa uu yahay in xilka macallinka saaran oo laga doonayo yahay inuu ardayga waxbaro, tan ardayga oo ah inuu dadaalo iyo midda waalidka oo ah inuu daryeelo ardayga iyo macallinka, waxaa kaloo laga dhadhansan karaa xikmaddaan in loo baahan yahay inay isku xirmaan xiriir joogta ahna yeeshaan ardayga, macallinka iyo waalidkaba si loo xaqiijiyo hadafka ah waxbaridda dhallaanka.
Marka ardaygu dhammeeyo Quraanka isla mar ahaantaana uu naqtiimo waxaa uu u xeraysan jirey xarumaha cilmiga diinta laga raacdo kuwaas oo u badnaa dhul xeebeedyada waxaana ka mid ahaa goobahaas Seylac, War sheekh, Marka iyo Banaadir. Waxaa kaloo ka mid ahaa xarumaha cilmiga caanka ku ahaa Harar iyo Baardheere. Xarumahaan Cilmiga waxay soo saareen culumo fara badan oo ka qayb qaatay faafinta Diinta Islaamka.
Barashada Quraanka Kariimka ilaa maanta waa mid deegaan kasto oo bulsho Soomaaliyeed ku nooshahay ka jira, waa dhaxal aan dhammaad lahay oo ah deeq Ilaah, dadka Soomaaliyeed oo cajam ah waxa ay la nool yihiin barashada Quraanka Kariimka, iyaga oo aysan dhallaanka yar-yar garanayn Quraanka macnihiisa ayey muddo kooban ku xidiyaan 30ka Jus da’ ka yar 10 jir mararka qaar, waa nimco Ilaah, mudanna in lagu mahdiyo.
2- WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII ISTICMAARKA
Gumeystihii reer Yurub ee qaybsaday dalka waxay billaabeen inay aasaasaan dugsiyo raacsan kaniisadaha kala madaahibta duwan oo ay wateen. Dugsiyadaan bulshada Soomaaliyeed kuma aysan degdegin iyadoo cuqdad inta badan ay ka qabto ayaa haddana waxaa jiray in dadka danta yare e saboolka ah carruurtooda iyo kuwa aan dadka lahayna ay dugsiyadaas hoy u noqdeen.
Waxbarashada xilligaan ma ahayn mid tayeysan, ujeeddada gumeystuhuna waxay ahayd oo keliya inuu soo saaro kuwo isaga u adeega, aqoonta uu barayna aysan dhaafsiisnayn Turjubaannimo, Karraaninimo, Cunto karin, Waardiye, Nadiifiye iwm.
Xornimada ka hor waxaa kaloo jirey dadaallo gaar ah oo ay sameeyeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dibadda wax ku soo bartay isla mar ahaantaana ahaa aabbayaashii waxbarshada casriga ah kuwaas oo kala ahaa Max’uud Axmed Cali oo waqooyiga dalka ku baahiyey tacliinta casriga iyo Macallin Jaamac Bilaal oo kaalin mug leh ka soo qaatay dhidib u taagidda tacliinta casriga ee Koofurta Dalka. Waxaa kaloo xusid mudan xilligaan inay kaalin firfircoon ay lahaayeen bicsadii Azhar oo markii ugu horreeyey dalka soo gaartay sanadkii 1952kii isla mar ahaantaana Machadkii ugu horreeyey ka furay Muqdisho sanadkii 1959kii, sidoo kale ayey dhiggiisa ka fureen Magaalada Burco sanadkii 1960kii.
3- WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII XUKUUMADAHA RAYIDKA
Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid yihiin (Scoula Media) oo ku yaallay Muqdisho sidoo kale ayey jireen Machadka Daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jirey Ganacsiga, Wershadaha iyo Culuunta Badda.
Xilligaan dugsiyada sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin Jaamacad dalka oo dhan sidaas darteed ayey ardayda soomaaliyeed dibadda waxbarasho u aadi jireen. Sanad dugsiyeedkii 1962/63 ardayda soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka. Tani markii dambe waxaa laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada oo markaas talada dalka hayey.
Ust. Cabdulqaadir Maxamed Xasan