Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya



1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jarmalka uga qeybgalay Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, isla markaana sharraxay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.


2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Berlin kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Mudane Olaf Scholz, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.


3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlamanka Federaalka ka codsadey inay dib u dhigtaan fasaxooda muddo bil ah, kana shaqeeyaan sharciyada xisbiyada iyo arrimaha doorashada ee dalka. Baarlamanka ayaa aqbaley codsiga Madaxweynaha.


4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns.


5-Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xarigga ka jarey xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka ee XDS.


6-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.


7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.


8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Madoobe) ayaa booqday Xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka.


9-Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon.


10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.


11-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Gobolka Bariga Badda Mediterranean, Marwo Dr Hanan Balkhy.

12-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens.


13-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Bandhigga 8-aad ee Buugaagta ee Muqdisho oo ay ka qeybgelayaan aqoonyahanno, macallimiin, arday iyo qorayaal Soomaaliyeed.


14-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay Kor u Qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya, oo ka dhacay Magaalada Qaahira.


15-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley galey kulanka 12-aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12.


16-Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka oo ka qeyb galay kulanka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorkooda doorashada tooska ah ee cod iyo qof.


17-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qiimeynta qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista, maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta.


18-Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada, xisbiyadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.


19-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan sagootin ah magaaladda Muqdisho ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.


20-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025-ka oo gaareyso $1,359,714,328 dollars.


21-Wasiirada Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha ayaa magaalada Muqdisho ka furay mashruuca ssIsku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.


22-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Shirwaynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.


23-Wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa dalka Britain uga qeybgalay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo sannadkan diirradda lagu saaray wada-shaqeynta booliska caalamka iyo ka hortagga dambiyadda khataraha ah.


24-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaan Cigaal ayaa booqatay xarunta sheybaarada diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.


25-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa ka guddoomay Midowga Yurub gaadiid ciidan iyo agabyo kale oo muhiim ah.


26-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kormeeray xarunta sheybaarada loogu talagalay diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.


27-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin ayaa booqday sheybaarada lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.


28-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa 27 maleeshiyaad Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.


=========DHAMMAAD=========








Post a Comment

Previous Post Next Post