Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda tobanaad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ree Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeenadda labada aqal.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 172-Xildhibaan, ayaa waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay Xildhibaan Aadan Xasan Maxamed oo dhowaan loo doortay kursiga Xildhibaanimo.
Intaasi ka dib mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta sedaxaad marsiiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee xeerkan Golaha la wadaagay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ku meel gaarka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.
Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ogolaatay 169-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Xildhibaanadda labada aqal uga mahadceliyay ansixinta Xeerka Doorashooyinka Qaranka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda labada aqal uga mahadceliyay ansixinta xeerkan iyo dhamaan xeerarka kale ee muhiimka u ah in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
DHAMMAAD.
MUDANAYAASHA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA DALKA OO ANSIXIYAY XEERKA DOORASHOOYINKA QARANKA.
byYaasiin Qaxweyste
•
0