MUDANAYAASHA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA DALKA OO ANSIXIYAY HABRAACA AY KU SHAQEYN DOONAAN GUDDIGA KMG AH EE LABADA AQAL U QAABILSAN DIYAARINTA XEERARKA DOORASHOOYINKA.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar iyo sidoo kale ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 6-aad ee wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. Ajendaha kulanka wadajirka ah ee labada Gole, ayaa waxa uu ahaa ansixinta habraaca fadhiyada wadajirka ah ee saddexda hindise sharciyeed iyo akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedyada kala ah Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. Ugu horrayn Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay habraaca fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddaxda hindise sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga ku meel gaarka ah ee labada aqal u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga, waxaa ogolaatay 170 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cali Xoosh ayaa mudanayaasha labada aqal u akhriyay warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyada Siyaasadda ee JFS iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. Intaas kadib, Guddoonka ayaa faray xubnaha Guddiga Ku meelgaarka ah ee Labada Aqal Hindise Sharciyeedyada saddexda ah, si ay u soo diyaariyaan warbixinta akhrinta labaad

Post a Comment

Previous Post Next Post