𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂x𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 labaad ee dalka 𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗹𝗸𝗮 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗲𝗲𝗷𝗶𝘆𝗮𝘆 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 Shaqada iyo arrimaha bulshada 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛.



Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

 Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Wasiirkii hore Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim.


Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  labaad ee Dalka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha Bulshada, barnaamijyo shaqo abuur ah  oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka. 


Mudane Cabdisalaan Dhaay ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore ee wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.


Dhanka Kale, waxaa xilka wasiir dowlaha ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada la wareegay, Mudane xildhibaan Caynaanshe yuusuf.




Post a Comment

Previous Post Next Post