𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗮𝘁𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗶𝗯 𝘂 𝗳𝘂𝗿𝗺𝗮𝘆
Muqdisho, Axad, 27 Oktoobar 2024:- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Federaalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadatashiyo ka dib maanta dib la isugu soo laabtay, iyada oo diiradda lagu saarayo arrimaha Amniga, Dowlad-dhiska, Doorashooyinka iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay sababta ay madaxdan uga baaqdeen shirka, taasoo abuurtay su’aalo ku saabsan saamaynta ay arrintani ku yeelan karto wada-hadallada iyo is-afgaradka heer federaal. Labadan maamul ayaa horey uga muujiyay aragtiyo kala duwan oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka iyo habka awood-qaybsiga, taasoo laga yaabo inay qeyb ka tahay mowqifyadooda ku aaddan shirkan.
Si kastaba ha ahaatee, shirka ayaa weli diiradda lagu hayaa sidii loo heli lahaa isfaham guud oo ku saabsan amniga, dowlad-dhisidda, iyo doorashooyinka, iyadoo madaxda kale ee heerarka kala duwan ee dowladda ay ka qeybgalayaan kulanka si loo sii ambaqaado qorsheyaasha qaranka.