Kulamo uu kala xaajoonayo tababarka iyo hubaynta ciidanka Soomaaliya ayuu la qaatay Madaxweynihii Maraykanka John. F Kennedy, Raysalwasaraayashii Ingiriiska - Harold Macmillan, Jarmalka - Konrad Adenauer, iyo Talyaaniga - Amintore Fanfani.
Jawaabtoodii waxay noqotay, waanu eegi doonnaa. Markii uu muddo sugayey, wax jawaab ah ka waayey, ayuu go’aansaday in uu wareego Soofiyeetka oo uu loolan kala dhexeeyo Galbeedka.
Raysalwasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke (AUN) wuxuu qorshaystay in uu Nikita Khrushchev oo ahaa ninka ay talada Mosco ka go’do kula kulmo shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, waxaase ka soo hormaray in Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamac C/laahi Qaalib (AUN) uu casumaad ka helay Soofiyeetka.
RW Sharmarke wuxuu go’aansaday in uu guddoomiye Jaamac farriin ugu dhiibo Khrushchev. Generaal Daa’uud oo ahaa taliyihii ciidanka, C/rashiidna la ogaa qorshaha ayey ku ballameen in ay guddoomiyaha la kulmaan oo ay farriintana si wadajir ah ugu dhiibaan subaxa uu safrayo habeenkiisa.
Madaxweyne Aadan C/lle (AUN) dalka wuu ka maqnaa, Guddoomiye Jaamac ayaa ahaa ku sime madaxweyne. C/rashiid oo ka cabsi qaba in shaki laga qaado kulanka ay Raysalwasaarihii iyo taliyaha ciidanka la qaadanayaa habeen ka hor safarka guddoomiyaha ee Soofiyeetka ayaa qorshihii u beddelay in ay isaga Gen. Daauud sii sagootiyaan guddoomiyaha, kulana faqaan garoonka diyaaradaha.
Guddoomiye Jaamac, markii uu booqashadii dhammaystay ayuu codsaday in uu la kulmo Khrushchev oo nasasho ku jooga Badda Madow (Black Sea). Halkii ayaa loogu geeyey, waxaana kulanka ku wehliyey safiirkii Soomaaliya ee Mosco AUN Axmad Maxamad Aadan (Qaybe). Khrushchev wuu aqbalay codsigii, laakiin wuxuu ka digay in ay cadaawad kala kulmi doonaan, Yeelkeede C/rashiid wuu go’aansaday in uu ku socdo.
Inkasta uu C/rashiid ka maagay in uu qoraal u dhiibo Afhayeenka si aysan sirtu u bixin, haddana dawladihii reer Galbeedka waa heleen xogta. Ingiriiska oo xiriirka loo jaray maahee safiiradii seddaxdii dawladood oo kale ayaa kulamo degdeg RW C/rashiid ka dalbaday, isaguna wuxuu u qabtay ballamo isku xigxiga oo ay u dhaxayso 30 daqiiqo. Dhammaantood farriin isku mid ah ayey u sideen oo ah in uu iska daayo hubka Soofiyeetka, iyaguna ay ciidan 5kun ah dhisayaan, tababar iyo hubna siinayaan, C/rashiidna hal jawaab oo isku mid ah ayuu siiyey oo ahayd “dib danbe reer Galbeed hub u warsan mayno”.
Buuggiisa Taariikhda Soomaalida ayuu qisadan ku sheegay AUN Gen. Jaamac Maxamad Qaalib (Jaamac Yare) oo xiligaa ahaa madaxa sirdoonka Soomaaliya.
Dhallinyarow ogaada Soomaaliya dal iyo dawlad ayey lahayd, dunida maqaam iyo miisan ku leh, wayna noqon kartaa, haddii ay hesho hoggaan han leh, xilkas ah, damiir iyo dadnimo leh, danaysi gaar ahna ka maran.