Guddiga kumeel gaarka ah ee labada Gole ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada/Axsaabta iyo sharciga dhisida Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa Magaaladda Muqdisho ka daahfuray la tashiga qeybaha kala duwan ee
Bulshada iyo ururada siyaasadda ee hindisaha ee xeerka ururada iyo xisbiyadda siyaasadda.
Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoonka iyo xubnaha Guddiga iyo sidoo kale wakiilo ka socday xisbiyadda siyaasadeed ee dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ay ku jiraan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo sidoo kale cilmi baarayaal daraasado ka sameeyay nidaamka axsaabta iyo sida ay dalka uga suurtageli karto,ayaa waxaa ugu horeyn furay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo sheegay in muhiimadda kulanka uu yahay in hindisahan la tashi lagala sameeyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso.
Intaasi ka dib ka qeyb galayaasha kulanka oo goobta ka hadlay ayaa fikirkooda ka dhiibtay hindisahan iyo muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof cod ah taasoo shacabka Soomaaliyeed u suurtagelin karta in ay hogaankooda doortaan.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga kumeel gaarka ah ee labada Gole ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada/Axsaabta iyo sharciga dhisida Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodaha iyo fikradaha ka qeyb galayaasha aysoo jeediyeen inta kulanka uu socday ay wax badan ku kordhin doonto shaqada uu guddiga hayo ayna tixgelin doonaan
KULAN KU SAABSAN LATASHIGA URURADA SIYAASADDA EE HINDISAHA XEERKA URURADA IYO XISBIYADDA SIYAASADDA OO LAGU QABTAY MAGAALADDA MUQDISHO
byYaasiin Qaxweyste
•
0