Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehelliyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo sidoo kale ku xigeenna labada Aqal, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 8-aad ee wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajendaha kulanka wadajirka ah ee labada Gole ee Baarlamaanka dalka, ayaa waxa uu ahaa Akhrinta 3aad Xeerka Dhisidda Guddiga Madax bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo Akhrinta 2aad Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Soomaaliya, iyagoo ugu horrayn Mudanayaasha labada aqal ay ansixiyeen Xeerka Dhisidda Guddiga Madax bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ka dib guda galay Akhrinta saddexaad iyo talooyinkii Sanatarada iyo Xildhibaannada oo lagu soo daray, waxaa ogolaatay 173 Mudane wax diiday iyo wax ka aamusayna majirin. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Cali Xoosh ayaa mudanayaasha labada aqal uga mahad celiyay ansixinta Xeerka Dhisidda Guddiga Madax bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo xusay in ay guda-geli doonaan dhisidda xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashoyinka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed, ayaa Mudanayaasha labada Aqal u faahfaahiyay Akhrinta 2aad Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Soomaaliya, iyadoo intaas ka dib Sanatarrada iyo Xildhibaannadu ay guda-galeen doodda iyo aragtida ay ka qabaan qodobada sharciga, waxayna soo bandhigeen aragti dhaxalgal ah, toosin iyo tusaalooyin kale oo muhiim ah. DHAMMAAD

Post a Comment

Previous Post Next Post