Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo uu wehelliyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo sidoo kale ku xigeenna labada Aqal, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Ajendaha kulanka wadajirka ah ee labada, ayaa maanta waxa uu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codaynta Hindisaha Xeerka Urrurrada /Xisbiyada iyo Akhrinta labaad ee Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu horrayn Sanatarada iyo Xildhibaannada labada Gole, ayaa gudagalay ansixinta Hindisaha Xeerka Urrurrada /Xisbiyada, kadib markii lala wadaagay akhrinta saddexaad ee Xeerka iyo sida loogu qaabeeyay talloyinkii muhimka ahaa ay ka dhibteen Xeerka, iyadoo ay ogolaadeen meelmarinta sharciga 177 Mudane, waxaa ka aamusay hal Xildhibaan wax diidayna majirin.
Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga Ku meel gaarka ah ee labada Aqal ugu xilsaaran sharciyada Doorashooyinka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, ayaa Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ka hor akhriyay akhrinta labaaad Xeerka Dorashooyinka Qaranka, isagoo faahfaahiyay qodobada sharciga sida ay u qaabeeyeen iyo latashiyada ay geliyeen muddadii ay ka shaqaynayeen, waxaana intaas kadib qaar ka mid ah Mudanayasha labada Aqal oo ka dhiibtay argtidodooda sharciga ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah iyo soojeedino kale oo sixitaan, wax ka beddel, kabis iyo kudaris u badnaa.
Ugu dambayn Guddoonka oo bogaadiyay doodda iyo soojeedinnada Mudanayaasha labada Aqal, ayaa faray xubnaha Guddiga ku meel gaarka ah ee labada Aqal ugu xilsaaran sharciyada Doorashooyinka dalka in ay soo diyaariyaan akhrinta saddexaad ee Xeerka Doorashoyinka Qaran, iyaga oo soo waafajinaya aragtida Mudanayaasha labada aqal ay maanta dhiibteen.
DHAMMAAD
Barlamanka soomaliya ayaa manta ansixiyaya xererka dorashooyinka iyo midka xisbiyada
byYaasiin Qaxweyste
•
0