GUDDIGA XUQUUQUL INSAANKA EE GOLAHA SHACABKA OO KULAN WADATASHI AH KU QABTAY MAGAALADDA MUQDISHO.



 QUGUDDIGA XUQUUQUL

INSAANKA EE GOLAHA SHACABKA OO KULAN WADATASHI AH KU QABTAY MAGAALADDA MUQDISHO.


Muqdisho-Soomaaliya October, 29, 2024: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladda Muqdisho ku qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ku saabsan Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha, waxaana ka qey galay wakiilo ka socday Dowlad Goboleedyadda, Barakacyaasha, Hay’adaha Dowladda iyo daneeyayaal kale.


Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali oo kulanka furtay ayaa ka qeyb galayaasha kulanka kula dardaarantay in ay aragtiyadooda ku biiriyaan Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha.


Intaasi ka dib ka qeyb galayaasha kulanka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay qodobada uu ka koobanyahay Hindise sharicyeedkan,waxa ayna su’aalo weydiiyeen xubnaha guddiga oo dhankooda ka jawaabayay su’aalaha ay ka qeyb galayaasha weydiinayeen.


Xoghayaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cadar Cali Maxamed oo kulanka soo xirtay ayaa ka qeyb galayaasha uga mahadcelisay sida ay fikradahooda ugu biiriyeen Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha,iyada oo sheegtay in ujeedka kukanka uu ahaa dhageysiga aragtiyada iyo fikradaha qeybaha kala duwan ee bulshada.






Post a Comment

Previous Post Next Post