Baro - Marinka Qasa, Falastiin.



Marinka Qasa waxa uu ka kooban yahay shan gobol, waxaa u wayn Khaan Yoonis waxaana u yar Daaral-Balax


Si guud Marinka Qasa waxa uu dherer ahaan yahay 41km, halka ballacuna yahay; dhanka Masar 12km dhanka Waqooyigana 6km, badkuna wuxuu noqonayaa 365km²


Qaybaha ama gobollada Qasa waa shan waxayna kala yihiin sidan; 


Gobolka Rafax: waa kan ugu kooneeya una xiga dhanka Masar. Waxa uu ka kooban yahay degmkoyinkan; 

1. Al-Bayuuk

2. Al-Mawaasi

3. Al-Qarya As-Suwaydiya

4. Xaafadda Rafax

5. Shookat As-Suufi 

Waxaa kale oo ku yaalla laba xero qaxooti oo kala ah; Kaamka Qaxootiga ee Rafax iyo Talaal Al-Suldaan. 


Gobolka Khaan Yoonis: waxa uu u dhexeeyaa Daar Al-Balax iyo Rafax waxa uu ka kooban yahay degmooyinka; 

1. Abasan al-Kabira

2. Bani Suhayla

3. Degmada Khaan Yoonis. 

Magaalooyinka yar yar ee la xusi karo waxaa ka mid ah; Abasan al-Saghira, Khusaa'a, Al-Qaraara, Alfukhaari iyo Umm-Al-Kilaab. 


Gobolka Daaral Balax; waxa uu u dhexeeyaa gobollada Gassa iyo Khaan Yoonis. Waxa uu ka kooban yahay Degmooyinka; 

1. Daaral Balax

2. As-Sawayda

3. Wadi Alsalqa

Waxa kale oo ku yaalla gobolkan xeryaha qaxootiga ee; 

1. Bureyji

2. Xerada Qaxootiga ee Daarul Balax

3. Magaasi iyo

4. Nusayraat.


Gobolka Gassa; Gobolkani waa kan ugu dadka badan waxa uuna ka kooban yahay; 

1. Degmada Qasa

2. Al-Sahra

3. Madinatul-Awda

4. Abu Maydaan

5. Juhuur Ad-Diik

Waxa halkam ku yaalla Xeryaha Qaxootiga ee Alshaati. 


Gobolka Waqooyiga Qasa; gobolkan waa kan ugu Waqooyisan Marinka Qassa. Waxa uu ka kooban yahay; 

1. Degmada Albadawiya

2. Beyt Hanuun

3. Bayt Laahiya

4. Jabaaliya iyo 

5. Isbaat-Bayt-Hanuun.


Waxa qoray: Zakariye Hagarlaawe

Post a Comment

Previous Post Next Post